Waxaa dabaal dag lagu soo dhabeeynaayo maalinta ciida ah ayaa waxaa loogu jiraa wadan ka massar waxaana caada u ah dad ka soo maaliyed ee kunool ama ey caan ku yihiin dhalinyarada eney aadaan rixlooyin waxaana ciidaan eytahay ciida sidaweyn loogu dareen san yahay magaalada oo ey baa buurtii ugu bad naa ey u baxaan rixlada ey tahay ciidaan illaa hada waxaa la hubaa iney baxayaan 9 basa oo basaska waa weyn ah ayadoo illaa hada dadka ey sii rabaan kaarar oona kaararka lagu nixi lahaa ey dhamaadeen waxaa hubaal ah inmaalinta 2 ciida qaahiro ey cidlo noqoto maxaa yeelay waxaa warar kala ey shiigaa yaan in ey rixlo kala laguwado ayadana iney kadhacaan sharma sheeq marka waan idin soo
Gabar Soomaali ah oo magaceeda lagu soo koobey Sahra ayaa si qarsoodi ah loogu sameeyey barnaamji ay ugu hadleyso in waalidkeeda ay ku celiyeen Soomaaliya kadibna loo guurey nin ka weyn sida ay sheegtey.
Sahra oo muuqaalkeeda oo si fiican aan loo arkeynin ka muuqata barnaamijka laga sameeyay ayaa hada ah 18 j markii ninka loo guurinaayeyna waxa ay aheyd 16 jir ninkana waa 35 jir, anigoo raali ka aheyn ayaa la igu darey ayey tiri.
Markii ay muda ku nooleyd Muqdisho ayey sheegtey in ay lacag aruursatey kadibna ay soo baaxsadey, waxaana soo raacey oo i soo caawiyey gabdho soomaali ah oo aan soo wada aadney Ethopia kadibna Safaarada Holland ee Etoobiya ayaa dib ugu soo dirtey Dalka Holand oo ah halka waalidkeed ay ka wadeen markii hore, taasoo dhinaca Holland aay ka caawinayeen ururo u dhaqdhaqaada Haweenka ka soo jeeda wadamada ku ad adag arimaha haweenka oo Soomaaliya ay ka mid tahay sida ay sheegayaan, waxaa sidoo kale dalalkaasi ka mid ah Afgaanistaan,Pakistaan iyo kuwa kale oo u badan dunida Islaamka.
Qaar ka mid ah Haweenka ku soo dhoweeyey Garoonka ayaa sheegtey in Sahra ay ka caawisey dadaalka ay ugu jraan sidii haween badan oo ka soo jeeda dalalkaasi ay ugu qancin lahaayeen in ay soo bandhigaan dhibka ka heysta dhinaca dhaqanka wadamadooda.
Waxaa ay intaasi ku dareen in ay jiraan haween badan oo ragii ay is qabeen ay ku kala tageen sharciga Holland hadana aanan guursan karin mar kale sababtoo ah raga ay dowlada ka furtey ayaa wali ku adkeysanaayo in sharciyadooda ay wali ku qabaa sidaas darteedna aysan ka furneyn, hadii dalalkooda ay aadaana waxa ay noqonayaan danbiilayaal ayey yiraahdeen sidaas darteed waa haween dhiban oo u baahan in la caawiyo.
War goordhow laga sii daayey Tv Rasmiga ah ee dowlada Sacuudi Carabiya ayaa waxaa lagu dhawaaqay inmaalinta axada ay tahay Ciidul Fidri birito oo sabti ahna la dhameystiri doono 30 Bisha Ramadaan.
Waxaa sido kale ku dhawaaqay in maalinta axada ay tahay Ciidul Fidri dowladaha Imaaraadka iyo Qadar.
Waxaan alle ka baryeynaa in dhamaan muslimiinta uu ka aqbalo soonkooda iyo acmaasha khayrka ay soo wadeen bishan oo dhan ee ramadaan, Aamiiin.
Waxaan Halkaan idinkugu soo gudbinaynaa Magacyada 202-Xildhibaan oo katirsan Liiska Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya kuwaa oo goordhaw ay Shaaciyeen Xubnaha Gudiga Farsamada iyadoona ay jiraan Xubno wali ka dhimaan Baarlamaanka gaar ahaa 73-Xubnood aan magacyadooda lasoo gudbin.
Liiska Xubnaha Barlamaanka Federaalka ee Soomaaliya
August 187, 2012
BEESHA SHANAAD
1. Bashiir Maxamed Jaamac
2. Biibi Khaliif Maxamed
3. Burci Maxamed Xamza
4. C/raxmaan Cabdi Cusmaan
5. C/weli Ibraahim Sheekh Muudey
6. Caadil Sheegow Sagaar
7. Cabdinaasir M.Cali
8. Faarax Sheekh C/qaadir maxamed
9. Fahmo Axmed Nuur
10. Ibraahiim Saalax Dayfullah
11. Jeylaani Nur Ikar Sh. Suufi
12. Khadiija Maxamed Diiriye
13. Maxamed Axmed Keynan
14. Maxamed Cumar Dhalxa
15. Maxamed Maxamuud Xeyd
16. Maxamuud Maxamed Jimcaale
17. Mustafa Maxamed Cabdullahi
18. Shariif Maxamed Siidi
19. Shariif Maxamed Xasan
20. Xasan Ibraahim maxamed
21. Xuseen Maxamed Muuse
22. Yuusuf Maxamed Ismaaciil
23. Yuusuf Xeyle Jimcaale
DIGIL MIRIFLE
24. Aadan Ibrahim Dhaayow
25. Aadan Sheekh Maxamed
26. Aweys C/lahi Ibrahiim
27. Axmed Mayow Cabdulle
28. C/laahi Cabdi Garuun
29. Cabdi Macalin Aden
30. CabdiKaafi Macalin Xasan
31. Cali Aadan Xuseen
32. Cali Sheekh Maxamed Nuur
33. Cusman Libax Ibrahim
34. Cusman Mukhtar Maxamed
35. Dr. Ibrahiim Xuseen Cali Saalax
36. Dr. Muumino Sh. Cumar
37. Dr.Khaalid Cumar Cali
38. Eng Maxamud Maxamed Bonow
39. Fadumo Nuur Maxamed
40. Fowziya Maxamed Sheekh
41. Ibrahim Cali Cumar
42. Ibrahim Isaakh Yarow
43. Isaaq Maxamed Cali(Riino)
44. Isaaq Maxamed Maxamuud
45. Isgow Derow Isaq
46. Khaliif Sh. C/laahi
47. Luul Cabdi Aadan
48. Maryan Macalin Isaaq
49. Maxamed Cabdi Cali
50. Maxamed Cali Xuseen
51. Maxamed Cusman Jawaari
52. Maxamed Kheyrow Maxamed Yusuuf
53. Maxamed Mursal Borow
54. Maxamed Rashiid Maxamed
55. Maxamud Macalin Yaxye
56. Maxamuud Cabdi Xuseen
57. Mayow Mustaf Xasan
58. Mohamed Nuuraani Bakar
59. Muna Ibrahim Abiikar
60. Mustaf Mukhtar Gudow
61. Nuur Cali Aadan
62. Saalim Aliyow Ibrow
63. Samaan Maxamed Sheekh
64. Sayid Cali Cabdulkadir Macalin
65. Sh. Shaacir Sh. Maxamed
66. Sharif Maxamed Cabdalle
67. Sharif Xasan Sh Aden
68. Xabiibo Maxamed Kheyr
69. Xasan Macalin Xuseen
70. Xuseen Cismaan Xuseen
71. Xuseen Maxamud Sh Xuseen
72. Yacquub Cali Maxamed
DAAROOD
73. A/weli Maxamed Cali Gaas
74. Abdi Barre Yusuf Jibril
75. Abdi Mohamed Ali
76. Abdirisak Osman Hassan
77. Abdiwahab Ugas Husen Ugas Khalif
78. Abdulahi Bile Nor
79. Abdulahi Haji Dayib
80. Abdulaziz Abdulahi Mohamed
81. Ahmed Ismail Mohamed
82. Ali Ahmed Mohamed
83. Axmed Aabi Aadan
84. Bare Ugas Geedi
85. C/laahi Maxamed Ciise
86. C/raxman Xoosh Jibriil
87. C/waxid Cabdullahi Jama
88. Cabdi Cabdulaahi Maxamed
89. Dahir Haji Gelle Farah
90. Da’ud Abdikarim Sh. Omar
91. Dr. Abdulkadir Abdi Hashi
92. Hamza Sh. Husen
93. Hassan Abshir Farah
94. Isse Mohamed Ahmed
95. Mahdi Ali Osman
96. Maxamud Axmed Maxamud
97. Maxamed C/lahi Xasan
98. Maxamed Iidle Geedi
99. Mohamed Abdi Yusuf
100. Mohamed Ahmed Kulan
101. Mohamed Ismail Shuriye
102. Mohamed Sh. Aden Hirale
103. Mohamud Hayir Ibrahim
104. Muse Ahmed Ismail
105. Muse Hassan Abdulle
106. Prof. Mohamed Abdi Mohamed
107. Sacdiya Careys Ciise
108. Saciid Abdulahi Mohamed
109. Sadiiq Abdikariim Maxamed
110. Sahra Jama Ali
111. Siyaad Maxauud Shire
112. Xuseen Khalif Jama
DIR
113. Aamino Cumar Jaamac
114. Abdulaahi Hussein Ali
115. Abdulaahi Cisman Ducaale
116. Abdulahi Abyan Nuur
117. Abdulahi Cumar Abshir Cumar
118. Ahmed Dhimbil Roble
119. Axmed Aadan Axmed
120. Axmed Aadan C/raxman
121. Busharo Cabdi Diriye
122. C/lahi Cisman Ducale
123. C/lle Xaaji Cali Axmed
124. C/naasir Gaarane Mohamed
125. C/qaadir Sh. Cali Ibrahim
126. C/qafaar Mohamed Oomar
127. C/raxman Maxamud Caateye
128. C/risaaq Daahir Maxamud
129. C/xakiim Ciise Guuled
130. Caashakoos Maxamuud Cumar
131. Cabdalle Boss Axmed
132. Cabdi Xaashi C/llahi
133. Cabdirahman Ahmed Suge
134. Cabdullahi Qayad Barre
135. Cadar Abdi warsame Isaaq
136. Cali Xasan Guyow
137. Cisman Cilmi Boqare
138. Dr Siciid Mohamed Ali
139. Dr. Ibrahim Suleyman Xaaji Nuur
140. Duniya Maxamed Cali
141. Faaduma Xasan Cali
142. Faduma Odowa Rageh
143. Faysal Cumar Guuleed
144. Gen Siciid Xasan Geedi
145. Ismaciil Xassan Jaamac
146. Jamaal Xasan Ismaaciil
147. Khadar Biixi Caalin
148. Khadra Ahmed Ibrahim
149. Mahad Cabdalle Cawad
150. Mahad Mohamed Ducaale
151. Maxamed Axmed Gurxan
152. Maxamed C/laahi Kaamil
153. Maxamed Cabdi Xayir
154. Maxamed Cali Xagaa
155. Maxamed Xasan Aadan
156. Prof Ahmed Ismail Samatar
157. Ridwan Hirsi Mohamed
158. Sahro C/qadir C/raxman
159. Saynab Maxamed Caamir
160. Xiis Hassan Aadan
161. Xiis Muuse Cawl Cali
162. Xuseen Arab Esse Xayd
163. Xuseen Cabdisalaan
164. Yusuf Dirir Abdi
165. Zakariye Xuseen Aare
HAWIYE
166. A/qadir Cosoble Ali
167. A/raxman Ibrahim Ali
168. Abdirahman Kulmiye Hirsi
169. Abdisamad Maxamud Xasan
170. Abdulkadir Mohamed Aden
171. Abdullahi Jama Hussein
172. Amina Mohamed Abdi
173. Bashiir Addow Alassow
174. C/laahi Goodax Barre
175. C/laahi Maxamed Adan
176. C/qadir Sheekh Xanafi
177. Caasha Xaaji Cilmi
178. Cabdi Axmed Dhuxulow
179. Cabdisataar Sh. C/salaam Sh Xasan Barsame
180. Cali Nuur Xuseen Cali
181. Cali Yuusuf Cusman
182. Ciise Wehelie Maalin
183. Cismaan Maxamed Cabdi
184. Cumar Islow Maxamed Abukar
185. Cusman Xaaji Cali
186. Daahir Aamin Jeesow
187. Daahir Xasan Cabdi
188. Mahad Maxamed Salaad
189. Maxamed Abukar Islow
190. Maxamed C/laahi Xasan
191. Maxamed Hasan Ibrahim
192. Maxamed Maxamud Guure
193. Mohamed Ahmed Nur
194. Mustafa Sh. Cali Dhuxulow
195. Nadifo Maxamed Osman
196. Nuur Iidow Beyle
197. Qaali Axmed Diiriye
198. Sacdiyo Cumar Sheegow
199. Samira Xasan Cabdulle
200. Shuriye Mumin Afrax
201. Xasan Macalin Maxamed
202. Yuusuf Geele Ugaas
Qoys Soomaali ah oo lagu cunsuriyeeyey dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay dadka degaanku u soo gurmadeen islamarkaana ay u muujiyeen taageeradooda iyo sida ay uga xun yihiin habka loola dhaqmay iyo midab kala sooco iyo naceybka loo geystey qoyskaas Soomaalida ah ee ku nool halkaas.
Soomaalidaan oo ah qaxooti ku nool magaalada Concord, New Hampshire ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay dhawaantaan ay gidaarka ama darbiga guriga ay kaga nool yihiin magaaladaas ay ku qoreen qolyaha cunsuriyiinta ah erayo naceyb, caay iyo aflagaado ah oo qoyskaas loogu sheegaayo inaan looga baahneyn inay ku noolaadaan magaaladaas, Laakiin dadka degaanka ayaa waxaa la sheegay inay arintaas ka xumaadeen iyagoona isugu soo ururey guriga reerkaas Soomaalida ah islamarkaana u muujiyey taageeradooda iyo sida ay uga xun yihiin falkaas naceybka ah ee lagula dhaqmay qoyskaas Soomaalida, Goobtaas oo uu ka hadlay sidoo kale gudoomiyaha magaaladaas John Lynch ayaa waxaa uu u sheegay Soonaalidaas inuu ka xun yahay waxa dhacay islamarkaana aan loo dul qaadan karin asagoona sidoo kale u sheegay Soomaalidaas inay yihiin kuwa ka tirsan bulshadaas oo aan la faquuqi karin.
Ugu dambeyntiina iyadoo Soomaalidaas ay soo dhaweeyeen dhawaaqaas ka soo yeeray dadka degaanka ayaa waxay sidoo kale ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay dadka deegaank aysan la qabin fikradaas qaldan ee ay wataan qaar ka mid ah bulshada ay ku dhex nool yihiin, dadka Soomaalida ayaa waxay inta badan la kulmaan naceyb iyo xumaan dadka ay ku dhex nool yihiin maadaama ay dadkaas inta badan yihiin kuwo dhaqan iyo diin iyo midab ay kala duwan yihiin dadka Soomaalida ah ee qaxootiga ku ah wadamadooda,
dhalinyarada, isboortiga, shaqada iyo shaqaalaha ayaa maanta ubax dhigtay xarunta dhalinyarada ee SYL iyadoo maanta ay ku beegantahay maalinta dhalinyarada Aduunka.
Xarunta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL oo maanta ay gaareen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Dhalinyarada, Isboortiga Shaqada iyo hormarka Shaqaalaha, xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir, Mas’uuliyiinta hay’adda Cilmi barista iyo wada tashiga bulshada CRD, dhalinyaro ka kala yimid gobolada dalka, dibada iyo saraakiil ka scotay Unite Nationka ayaa ubax lagu xasuusanayo waxqabadkii 13 dhalinyaro ee SYL oo hormarka maanta Soomaaliya ku naaloonaysa u keenay dhigay xarunta dhalinyarada SYL iyadoo maantana ay ku beegneyd Maalinta dhalinyarada Aduunka.
Markii dhulka laga Taagay Ubax lagu xasuusanayo dhalinyaradii gobonimada Soomaaliya ayaa goobta waxaa ka hadlay Axmed Ceynab oo ka mid ahaa dhalinyarada ka qeybgashay wuxuuna dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay raacaan wadadii ay mareen 13kii dhalinyaro ee SYL dalkana maantana uu u baahan yahay dhalinyaro qeyb weyn ka qaadata hormarka wadanka.
Agaasimaha Guud hay’ adda Cilmi barista iyo wada tashiga ee CRD Jabriil Ibraahim Cabdule ayaa sheegay in maanta ay ku beegan tahay maalinta dhalinyarada Aduunka, dhalinyarada Soomaaliyeedna maanta looga fadhiyo in ay dalka ka Samatabixiyaan dhibaatadii 20ka sano ee la soo maray.
Ugu dambeyntii waxaa hadal ka jeediyay goobta wasiiru dowlaha wasaarada Dhalinyarada, isboortiga Shaqada iyo shaqaalaha C/llaahi Sheekh Cali “Qaloocow” waxa uuna dhalinyarada ugu yeeray in ay ka shaqeeyaan nabada Dalkooda ujeedada ubaxa maanta la beerayana uu yahay in dhalinyaradu gartaan in sida ubaxa uu u korayo ay u hormariyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale geed la mid ah geedkii ay ku beereen Xarunta Dhalinyarada SYL ayaa waxaa lagu Talaalay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir kaas oo hormaro bilic soo celin ah ka sameeyay caasimada waxaana halkaas ku soo dhoweeyay Xog’haya maamulka Gobolka Banaadir C/kaafi Cali Hilowle iyo Gudoomiye ku xigeenka Siyaasada iyo Arimaha Bulshada Cali Axmed Guure.
Saraakiisha milateriga Kenya ayaa xaqiijiyey iney hawada dalkaas ku burbureen labo ka mid ah sadex dayuuradood oo ay lahaayeen ciidamada cirka dowlada Ugandha, kuwaasoo ku soo jeeday magaalada Muqdisho ee dalka Somalia.
Eric Kiraithe oo ah sarkaal ka tirsan milateriga Kenya ayaa sheegay in labo ka mid ah dayuuradahaas ay ku burbureen dhul buuraley ah oo ku yaala bartamaha dalka Kenya gaar ahaan buurta loo yaqaano MT-Kenya oo ah buurta labaad ee ugu dheer ee Afrika.
“Wararka aanu ka heleyno bartamaha dalka Kenya waxay sheegayaan in labo dayuuradood oo ay leeyihiin ciidamada Ugandha ay halkaas ku burbureen gaar ahaan buurta barafka badan ee MT-Kenya illaa hadda baaritaano ayaa socda” ayuu yiri Eric Kiraithe.
Sidoo kale sarkaalka ayaa intaa ku daray in goobta lagu tuhunsan iney ku burbureen labadaas dayuuradood loo diray kooxaha gurmadka si ay u baadi goobaan raqdii dayuuradahaas, isagoo sheegay inaan rasmi ahaan loo ogeyn sababta ay labadaas dayuuradood u burbureen, hase ahaatee loo maleynayo iney hawadu ku xumaatay.
Dhinaca kale, Afhayeenka ciidamada Ugandha Col. Flexis Kulgiye oo la hadlayey wakaalada wararka REUTERS ayaa sheegay in dayuuradahan oo noocoodu ahaa Helicobtaro ay ka soo duuleen saldhigyo milateri oo ku yaala dalka Ugandha iyagoo ku soo jeeday magaalada Muqdisho si ay sugaan amaanka doorashooyinka.
“Dayuuradahaas waxaa la qorsheeyey iney ku degaan degaanka Wajeer ee dalka Kenya si ay shidaal uga sii qaataan, safarkoodana u sii wataan, hase ahaatee waxaa naloo sheegay in hal dayuurad oo kaliya ay degaankaas gaartay, intii kalena meel ay jaan iyo cirib dhigeen lama hayo baadi goob ayaana ku heynaa” ayuu intaa ku daray Col. Flexis Kulgiye.
Mogadishu, Somalia, Aug, 12, 2012)Maadaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Cemalettin Kani Torun.
Danjire Cemalettin Kani Torun ayaa madaxweyne Shariif guddoonsiiyay dhambaal uu uga siday madaxweynaha iyo R/wasaaraha dalka Turkiga oo ku amaanay madaxweynaha guulaha ay dowladdu ka gaartay siyaasadda iyo ammaanka.
Mr. Torun ayaa sheegay in dowladda Turkigu ay Soomaaliya ugu hambalyeyneyso ansixinta dastuurka iyo ka gudbidda marxaladda KMG ah.
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu u sheegay danjiraha Turkiga in Soomaaliya ay xusuusnaan doonto xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dhinac iyo gurmadkii ay u fidiyeen dadkii Soomaaliyeed ee ay saameysay abaartii ka dhacday waddanka sanadkii hore.
safaarada Soomaaliya ee wadanka koonfurta Suudaan ayaa ku guuleysatay in ay xabsiga ka soo saarto dhalinyaro Soomaali ah ku waasi oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada wadanka koonfurta Suudaan xili ay doonayeen in ka gudbaan xadka wadmada Koonfurta Suudaan iyo Suudaan.
Dhalinyaradaan oo ay tiradoodu gaareysay ilaa iyo 12 dhalinyaro ah ayaa waxa ay mudo 17 maalin ah ku jireen xabsi ku yaala magaalo lagu magacaabo Malakaal, waxeyna dadaal dheer ah oo ay sameeysay safaarada Soomaaliya ku guuleysatay in ay xabsiga kasoo deyso dhalinyaradaasi.
Safiirka Soomaaliya ee wadanka koonfurta Suudaan Ambasador C/raxmaan Nuur Maxamad “Diinaari” iyo xoghayaha safaarada Shaafici Nuur calas ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in xariiro badan oo ay la sameeyeen mas’uuliinta wadanka ay ku guuleystaan dhalinyaradaan safaarada lagu soo wareejiyo.
Wafdi ka socda Buuhoodle ayaa wada-hadal la yeeshey Madaxweynaha Somaliland
Wafdigani waxaa isugu jiraa salaadsiin, siyaasiyiin, dhallinyaro iyo xubno kale, waxaana maalmihii la soo dhaafey wada-hadalo nabadeed ay ugu socdeen degmada Caynabo.
Wafdigani ayaa la sheegaya in dhinacoodu ay doonayaan in wax laga qabto colaadda degaanka Buuhdoole oo heshiis laga gaaro si loo joojiyo dagaalku.
Waxaa kale oo ay doonayaan in maxaabiista la kala haysto la sii daayo si loo dhiso jawi aakhirka u horseedi karo is-fahan.
Magaalada Taleex ayaa billawgii sanadkan loogu dhawaaqey maamulka Khaatumo oo la sheegey in ay u dhanyihiin gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.
Hase ahaatee Somaliland ayaa ku gacan-seyrtey maamulkaasi oo sheegtey in qeybo ka tirsan dhulkaasi ay hoos yimaadaan maamulkooda.
Madaxweynaha Somaliland ayaa la kulmey wafdi ka socda Buuhoodle
Xaflad balaaran oo lagu soo bandhigayay wax qabadka xukuumadda uu R/wasaaraha ka yahay Dr C/weli Maxamed Cali mudadii ay jirtay ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Xafladda lagusoo bandhigayey Waxqabadka Xukuumadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Golaha Wasiiradda, Xildhibaano. Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, Siyaasiyiin, Ganacsato, Ururada Haweenka, Saraakiil, Dhalinyaro, Suxufiyiin, Fanaaniin iyo dadweyne kale oo aad u fara badan. Waxaana goobta xafladda lagu soo bandhigay Waxqabadkii Xukuumadda Badbaado Qaran.
Waxaan Goobta ka hadlay Qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed kuwaa oo sheegay in Dr Cabdiweli iyo Xukuumadiisa Badbaado Qaran ay wax badani ka badeleen Xaaladda Soomaaliya islamarkaana Rajo ku abuuray Shacabka Soomaaliyeed kadib markii ay la yimaadeen Waxqabad muuqda oo Ummadda Waxtar u leh.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Siyaasiyiin kuwaa oo tilmaamay in Dr. Cabdiweli iyo xubnaha xukuumadiisa Badbaado Qaran ay noqotay xukuumada kaliya oo soo marta Soomaaliya intii ay bur-burka ku jirtay oo u wada shaqaysa si wada jir ah taas oo sabab u noqotay in ay wax wanaagsan ay qabato xukuumadda badabaado qaran.
Munaasabadda ayaa waxaa hadalo ka jeediyay wasiirka wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed “Jahweyn”waxa uuna sheegay in xukuumadda Badbaado ay ku guuleysatay hor mar balaaran oo ay ka sameysay caasimada iyo gobollada dalka.
Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga ahna R/wasaare ku xigeenka Xuseen Carab Ciise oo hadal ka jeediyay goobta lagu soo bandhigayay wax qabadka Xukuumadda ayaa tilmaamay in xukuumadda uu R/wasaaraha ka yahay Prof C/weli ay ku guuleysatay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin sugida amniga, ka xoreynta shabaab caasimada iyo qeybo ka mid ah gobollada dalka.
Sidoo kale Xuseen carab Ciise wasiirka difaaca dalka ayaa intaa ku daray in waqbadka xukuumadda ay ka dambeysay kadib markii ay wada shaqeyb buuxda ay dhax martay golaha wasiirada kuwaas oo kulamo iyo wadatashiyo ka yeesheen aayaha dalka.
Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr C/weli Maxamed Cali Gaas oo isagu khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa u mahad celiyey golaha Wasiirrada waxaana uu dhanka kale shaaciyey inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya.
Xafladan Afur iyo Casha Sharafeedkan lagu maamuusayey Oradyahanada Dalkeena matalayey ee kala aha Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan ayaa xalat si heer sare ah uga qabsoontay Magaalada Bristol ee Dalkan Ingiriiska.
Munaasabad oo aheyd mid looga mahad celinayey Oradyahanada iyo GudigII Olombikada ee uu horkacayey Cumar Cabdiqadir Baarajab oo kamida Laacibiinta Dalkeena soo maray ayaa ku bilaabatay jawi farxad leh iyadoo furitaankii uu kusoo dhaweeyey Prof Cumar Sabriye oo kamida Odayaasha Magaalada iyadoo uu usheegay in Bristol tahay magaalo Soomaalida ku nool ay ku caan baxeen Soomaalinimo iyadoo sidoo kale uu ka hadlay Agaasimaha hey`ada Actoforsomalia oo ah hey`ada soo Casuuntay Wafdiga Olombikada Mudane Maxamed Cantoobo, isagoo sheegay in ay farxad u tahay in Hey`ada Actoforsomalia in ay isku howsho markasta arimaha quseeya isku dumida shacabkeena Soomaaliyeed.
Madasha sidoo kale waxaa ku hadlay Magaca Haweenka Maama Xaliimo oo sheegtay in Qiirada heysa Caawa ee ay u qabto Orodyahanadan Magaceena matalay ay ka balaaran tahay Bada iyadoo markii danbe Buraanbur u tirisay Zamzam iyo Maxamed oo ay kaga hadleysa halgankey u galeen kor u qaadida Calankeena, sidoo kale waxaa ka hadlay wax garad fara badan oo iyagu aad ugu faraxsanaa in Caawa Bristol ay kusoo booqdaan dhamaan wafdiga Olombikada gaar ahaan Labadan Ciyaar yahan iyo Macalinkooda Axmed Abiikar oo isagu horey ciyaar yahan ciyaraha fudu usoo ahaa.
Sidoo kale Xaflada gabay si cajiiba loo laxameeyey ka qaadya Fanaanka da`ada yar ee Ceydaruus mali boy kaasoo uu ugu talagalay Labadan orodyahan kana hadleysay in ay yihiin ubadkii colaadaha oo aanan helin waxkastooy ku hormarin kareen awoodooda oradeed si lamida kuwa wadamada Caalamka, sidoo kale Xoghayaha Xiriirka Kubada Koleyga Mudane Siciid Faarax Ducaale ayaa isna madasha ka hadlay isagoo aad ugu mahad celiyey sida sharafta leh ay reer Bristol ugu sameeyeen Maamuuskan iyadoo Mudane Siciid lagu xusuusto Gabdhihii Kubada Koleyga ee Dalal Badan o Carbeed dhabanka dhulka u dhigay in uu horkacayey.
Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Laliska Prof Maxamed Cali Cadow ayaa isna ka hadlay Madasha aadna ugu mahad celiyey Xafladan, isagoo sidoo kale ka sheegeeyey sida ay ku wadaan howlaha hormarinta Isboortiga Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Gudiyada Olombikada ay yihiin kuwa ay hogaamiyaan Soomaali isku dhaf ah oo aan Jufa kaliya aheyn, Doorashada soo socota ee Olombikadana ay u furan tahay bahda Isboortiga in ay isku soo taagaan, Rugcadaagan shaqada Isboortiga kaga soo biiray Wasaarada Isboortiga sanadkii 1974 ayaa sheegay in Oradyahan Maxamed Xasan uu sameeyey record cusub muda 35 sano aysan soomaaliya sameyn, isagoo sheegay xitaa sanadkii ugu horeyey ee tartan Caalami uu ka qeybgalo Cabdi Bille uusan sameyn sidaa darteed Maxamed Xasan la isku raacay in uu leeyahay mustaqbal weyn.
Sidoo kale Gudoomiyihii Wafdigii Olombikada ee ka qeybgalaaya Ciyaaraha ka socda dalkan Ingiriis Mudane Cumar Cabdiqadir Baarajab ayaa sheegay in Magaalooyinkii ay soo mareen Dalkan Ingiriiska ay tahay Magaalad Bristol magaalada ugu wanaagsan ee ay booqdaan isagoo uga mahad celiyey isku duubnidooda,isagoo sidoo kale sheegay in Arintii Calan qaadka Cabdi Bille ee suuragalin weysay aysan aheyn mid iyaga katimid balse xaga Olombikada aduunka sharci ay soo rogeen ay tahay wuxuuna sheegay in Maxamed Xasan liistiga Olombikada Aduunka ay soo saartay uu ka galay kaalinta 24 ayna ka hooseeyaan ilaa 6 wadan taasna ay u tahay sharaf.
Xafladan oo aheyd mid aad looga soo shaqeeyey ayaa gunaanadkii waxaa ka hadlay Cabdi Rubac oo ku hadlayey Hey`ada Actforsomalia isagoo uga mahadceliyey Gudiga Olombigada sida sharafta leh ay u aqbaleen imaan shiyahooda Magaalada Bristol,sidoo kale wuxuu u mahad celiyey Kasoo qeybgalayaasha, iyadoo Xafladan uu Xiriirinayey Wariye Maxamed Barre Xaaji (Fiyoore) iyadoo Zamzam laga codsaday in ay qaado Heestii wadaniyada ee lagu bartay taasoo Zamzam aqbashay, iyadoo markaa Xaflada kusoo gaba gabowday farxad iyo Hambalyo loo tabinaayey Oradyahanadeena Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa si buuxda loogu aqoonsaday dagmo dagmada Ceel Baraf oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
Wareegtada ayaa waxa ay u qorneed sida tan..
Digreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa waxa ay u qorneed sida tan.
Madaxweynaha J.S
Markuu Arkay: Qodobka 39-aad farqadda 1-aad Xarafka “a” iyo farqadda 2-aad ee isla qodobkan ee axdiga FKMG Ah.
Markuu Arkay: xeerka Lr 6 ee 12 Feberaayo 1980.
Markuu Arkay: Warqadda Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amiga Qaranka Lr WAG& AQ/468/12 ee July 20-2012 kuna saabsan soo jeedin magacaabid Degmo.
Wuxuu soo saray Xeerkan Soo Socda.
Qodobka 1-aad
Waxaa la ogolaaday in Ceel Baraf oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe loo aqoonsado Degmo laga Bilaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 22 July 2012.
Qodobka 2-aad
Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saaray faafinta rasmiga ah ee dowladda.
Degreetada ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Ciidamada booliska Midowga Afrika ee maalmo ka hor la keenay caasimadda Muqdisho ayaa maanta la bilaabay in laga howlgeliyo saldhigyada booslika ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Tirada ciidamadan booliska ah ayaa lagu sheegay 140-askari, waxaana ay ay ka soo wada jeedaan dalka Uganda.
Saldhigyada maanta ay ka howlgaleen ayaa waxaa ka mid ah sardhigga degmada X/weyne iyo Yaaqshiid, waxaana maalmaha soo socda lagu baahin doonaa saldhiyada kale degmooyinka dhiman ee gobolka Banaadir.
Waxaa u dhan qalabkooda, hadii ay ahaan lahaayeen gaadiidka booliska, hub iyo dhamaan agabka boolis uu ku shaqeeyo.
140-kan askari ayaa waxa ay isugu jiraan saraakiil boolis iyo bambi-baarayaal, waxaana ay caawin doonaan ciidamada booslika Soomaalida oo ay shaqo barayaan.
BY - ABDALLA MALAK
Muqdisho, Soomaaliya (dhalintasom.webs.com) - 06 - Agosto -2012
(Muqdisho:-07-08-2012—-Siyaasi Soomaaliyeed ayaa soo dhaweyay horumarka dhanka ammaanka ee ay dowlada ka sameysay dalka iyo in laga baxay kmg-nimada.
Iyadoo Meel gabagab ah ay mareyso howlaha soo xulista xubnaha cusub ee ka mid noqonaya barlamanka cusub ee dalku yeelanayo aya haddana waxaa dadaalada ay wadaan odayaasha dhaqanka Soomaaliyed si kala gooni gooni ah u soo dhaweynaya siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo dibaddaba.
Siyaasiga Soomaaliyeed ee C/laahi Axmad Caddoow oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ku biiray dadka sida aadka ah ula dhacsan isbaddalada siyaasadeed iyo horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca Ammaanka
C/laahi Axmad Caddow ayaa tilmaamay in go’aan taariiqi ah ay qaateen Ergooyinka ku howlanaa Ansixinta Qabya Qoraalka dastuurka dalka taasina ay tahay mid mudan in laga hambalyeeyo.
Sidoo kale siyaasiga C/laahi Axmad Caddoow ayaa ku bogaadiyay Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed sida xil kasnimada ah ee ay ku soo xulayaan xubnaha cusub ee ka mid noqanaya baarlamanka cusub,waxaana uu kala dardaarmay xildhibaanadaasi in marka la dhaariyo ka dib ay ka gudbaan qabyaaladda ayna u guntadaan sidii ay u samatabixin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed.
Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa haatan soo gudbiyay xubnaha cusub ee ka mid noqonaya baarlamanka dalka iyado dadweynaha Soomaaliyeeedna ay ka wardhoowrayaan in waqtigii loogu tala galay ay qobsoomaan doorashooyinka madaxtinimada dalka.
Kampala:-07-08-2012—- Dowlada Uganda ayaa ciidamo iyo saraakiil dheeri ah u soo direysa dalka si ay u xaqiijiyaan ammaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka lagu wado in bisha agoosto ay ka dhacaan magaalada Muqdisho.
Ciidamada difaaca dadka Uganda saraakiil ka tirsan oo tiradoodu tahay 28-sarkaal waxa ay u soo ambabaxeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan sugidda amaanka doorashooyinkka qaranka ee dalku isu diyaarinayo sidaaas waxaa laga soo xigtay sargaal ka mid ah ciidamada cirka dalka Uganda.
Ciidamada la soo diray waxaa wehliya diyaarado dagaal oo ciidamada cirku leeyihiin si ay kor uga ilaaliyaan goobaha lagu wada in doorashooyinku ay ka dhacaan.
Taliyaha ciidamada difaaca dalka Uganda Ge, Aronda Nayakarima iyo taliyaha ciidamada cirka Ge, Jim Owesigire oo ka hor inta ciidamadu aysan soo duulin lahadlay ayaa waxa ay kula dardaarmeen in ay gutaan howsho loo diray, iyaga oo xasuusiyay xiliyada adag ee dalka Somalia uu gelayo..
Ge, Nayakarima waxa uu sheegya in ciidamadaas ay hawshodu noqon doonto dardargelinta sugidda amaanka gaar ahaan goobaha ay ka dhacayaan doorashadu maadaama kooxaha diidan nabadda ay sameyn karaan wax u eg abuuridda nabagelyo xumo iyo qal qalgelinta doorashooyinka taariikhiga ah ee dalku isu diyaarinayo.
Waxa uu sheegay in ay fursad weyn u tahay Uganda in ay taageero dheeraad ah siiyaan Soomaaliya xili dalka Soomaaliya ay guda geleyso doorashooyin 20- August ee soo socota.
Aronda wax uu intaas ku daray in sidoo kale ay tani fursad u tahay ciidamad AMISOM kuwaas oo Soomaaliya ka waday howgal aysan ku jirin ciidamada cirka.
Dalka Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya waqti taariikhi ah oo loogu gudbayo in dalka laga saaro marxaladdo muddo dheer lasoo jiitamayay qalalaaso, waxaana maalmaha soo socda ay noqon doonaan kuwa tobonaan sano ka dib Soomaaliya magacagii lagu yaqiin wax ka bedela.
(Muqdisho:-31-07-2012—–Gudoomiyaha cusub ee ay dowlada Soomaaliya umagacowday gobolka Galguduud ayaa maanta kulan looga hadlayo ammaanka iyo horumarinta gobolkaasi kula yeeshay degmada Dhuusamareeb qeybaha bulshada degmadaasi.
Kulankani oo ay soo agaasimeen ganacsatada iyo waxgaradka magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay gudoomiyaha ganacsatada magaaladaasi Max’ed Cali Orey ,waxana uu sheegay in ay garab taagan yihiin maamulka cusub ee dowlada dhawaan u magacaawday gobolka Galgaduud.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay gudoomiye ku xigeenka ahan madaxa ammaanka gobolka Galgaduud ,waxaana shacabka gobolka uu ku booriyay in looga baahan yahay nabad kunoolaansho iyo weliba is ka warqab buuxa.
Ugu danbey waxaa madasha lagu soo dhaweyay ka hadlay gudoomiyaha gobolka Galgaduud ee dowlada Soomaaliya u magacaawday gobolkaasi,waxaana uu bulshada kula dardaarmay in ay u istaagaan ka shaqeynta nabada isaga dhankiisana u diyaar la yahay tilaabo waliba oo lagu hor marin karo gobolka Galgaduud.
Gudoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa balan qaaday in uu socdaal ku mari doono degmooyinka uu ka koobanyahay gobolka iyo maamulada ka jira gobolkaasi.
dhalintasom.webs.com - 30 - Luulyo -2012
Siyaasiyiin iyo waxgarad Maanta kulan looga hadlayo marxaladda dalku marayo kuyeeshay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka soomaliyeed inay soo xulaan dad waxatar uleh dalka iyo dadka
Kulan ay ka qeyb galeen boqolaal dadweyne ah kaas oo baaq loogu dirayay ergada soo xuleysa baarlamanka cusub ee uu dalka yeelanayo ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Mudaneyaal ka tirsan Baarlamanka aqoonyahano, qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo qurbajoog ka timid dalka dibadiisa waxaana uu ahaa kalan mid baaq loogu dirayay ergada soo xuleysa baarlamanka cusub ee uu dalku yeelanayo.
Xasan Shire Sheekh oo ka mid ah dadkii ka qeyb galay kulan oo la hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in muuhiimada kulankooda uu yahay sidii ay baaq wadajir ah ugu dirilahaayeen ergada ku howlan soo xulista baarlamanka cusub waxa uuna ugu baaqay in looga baahanyahay ergada in ay soo xulaan dad aqoon leh.
Sidoo kale Xasan Xundubay oo ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Britain oo hadal ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay kaalinta ay haweenka ku leeyihiin dalka iyo isbadalada cusub ee haatan wadanka ka jira waxa uuna ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan oo ay ku dadaalaan sidii loo hormarin lahaa wadanka.
Wasaaradda Gaashandhigga ayaa beenisay in ciidamo ka socda dalka Ingiriiska ay ku suganyihiin qeybo ka mid ah dalka Soomaliya, iyadoo been abuur ku tilmaamtay in heshiis mileteri ay la gashay dalkaasi.
Wasiirka Gaashandhigga Xuseen Carab Ciise oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war u qoray mid ka mid ah wageysyada ka soo baxa dalka ingiriiska kaas oo sheegay in ciidamo ka socda Ingiriiska ay ku suganyihiiin gudaha dalka Somalia.
‘’ ma jiro heshiis aan la galnay Ingiriiska mana joogaan dalka ciidamo ka socda dalkaasi laakiin wey jiraan koox la taliyayaal meleteri ah ‘’ ayuu yiri Xuseen carab Ciise wasiirka gaashaandhigga ee Somaliya.
Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli ay ciidamada XDS ay horumar la taaban karo ka gaareen howlgallada dalka looga xorreeynaya kooxda Alqaacidda iyagoo gacan ka helaya ciidamada nabad ilaaliyayaasha Midowga Africa.
Ciidamada dowladda ayaa toogasho ku dilay oo fashiliyay Laba ruux oo doonayay in ay isku qarxiyaan goobta uu ka socdo shirka lagu ansixinayo Dastuurka cusub ee dalka.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa warbaahinta Qaranta u sheegay in ciidamadu ay ka hortageen isla markaana fashiliyeen Laba nin oo isku soo xiray walxaha qarxa, kuwaas oo doonayay in ay orod ku galaan Dusgsiga sare ee booliiska Gen. Kaahiye oo ah halka uu ka socdo shirka ergada Ansixineysa Dastuurka.
‘’Ciidamada ammaanka ayaa Labadaasi nin ku joojiyay bar kontorol oo ka baxsan xarunta shirku ka socdo kadibna ciidamada ayaa rasaas ku furay halkii ayeeyna ku qarxeen ka hor inta aysan soo gaarin ciidamada’’ayuu yiri wasiirka.
Dhanka kale lama sheegin wax qasaare ah oo ciidamada iyo shacabkaba ka soo gaaray Labadaasi qarax, fashilinta qaraxyadann ayaa muujineysa dadaalka ay dowladdu u gashay adkeynta ammaanka ergada ansixineysa Dastuurka cusub ee dalku yeelanayo.
Falalkan qaraxyada ismiidaaminta ah ayaa looga bartay kooxda Alqaacidda in ay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed iyagoo diidan in ummaddu ay ka tashato aayahooda mus
Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay majaajilihiistihii caanka ahaa ee Cabdi Jeylaani Malaaq oo ku magac dheeraa Marshaale.
ALLAHA u naxariiste aaska maanta loo sameeyay Majaajilihiistii caanka ahaa ee Marshaale ayaa waxaa ka qeyb galay abwaano, Fanaaniin, Mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda warfaafinta bahda saxaafadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada waxaana lagu aasay Khabuuraha Afisyoone ee dagmada Waaberi.
Dadkii ka qeyb galay aaska maanta loo sameeyay ALLAHA u naxariiste Marshaale ayaa dhamaantood wijiyadooda ay ka muuqatay sida ay uga xunyahiin dilkii xalay magaalada Muqdisho loogu geystay Cabdi Jeylaani Malaaq.
Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed C/raxmaan Xasan Jimcaale oo ka qeyb galay aaska marxuum marshaale ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo eheladii uu ka geeriyooday uga tacsiyeey geerida ku timid Marshaale waxa uuna ALLE uga baryay in uu Janadii Farsoowsa ka waraabiyo.
Sidoo kale Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay aaska Marxuumka ayaa dhankiisa tacsi u diray ehelada iyo ummadda Soomaaliyeed waxa uuna ALLE uga baryay in uu janadii ka waraabiyo isagoona saxafiyiinta kula dardaarmay in ay u dhabar adeegaan howsha ay u hayaan shacbiga Soomaaliyeed.
Cabdi Jaylaani Malaaq “Marshaale” ayaa waxa uu ka mid ahaa majaajilisteyaasha hobolada Qaranka ee Waaberi waxaana si weyn u xiiseyn jiray Ummaadda Soomaaliyeed isagoo ifka kaga tagay labo Xaas iyo Afar Caruur ah.
Wararka ka imaanaya degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidmada XDS ee ku sugan magaaladaasi ay laayeen malleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan shabaab kuwaas oo xalay soo weeraray bar kontorool oo ay ciidamadu ku lahaayeen halka laga galo magaaladaasi.
Meydadka Lix ka mid ah malleeshiyaadka shabaab ee soo weerar tegay oo uu ku jiro horjoogihii watay ayaa saaka lagu arkay halkii uu xalay dagaalku ka dhacay kuwaas oo ay dileen ciidamada XDS, sida uu Radio Muqdisho u xaqiijiyay guddoomiyaha degmadaasi Aadan Cabdi Adan.
‘’ Saqdii dhexe ee xalay ayeey malleeshiyaad ka tirsan shabaab soo weerareen bar ay ciidamada XDS ku lahaayeen kontoroolka laga galo magaaladaasi waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo socday in ka badan hal saac, saakana waxaa halkaasi lagu arkay Meydadka Lix ka tirsana Shabaab oo uu ku jiro horjoogihii watay kooxdaasi kaas oo lagu magacaabo Maxamed Isaaq Uburow oo ah nin ku dhashay magaalada isla markaana aad u dhibay dadka reer Qansaxdheere haddana Meydka horjoogahaasi dadka ayaa laga celin la’yahay ciilka ay u qabaan darteed’’ ayuu yiri guddoomiyaha degmadaasi Aadan Cabdi Aaden.
Horjoogaha lagu dilay Qansax dheere oo lagu magacaabo Maxamed Isaaq Uburow ayaa ku dhashay degmadaasi, wuxuuna hore uga mid ahaa ciidamadii booliiska intii ay jirtay dowladdii hore ee Siyaad Barre, muddadii burburka uu jirayna ka hor inta uusan shabaab ku biirin waxa uu nabaddoon u ahaa beeshiisa oo degta degmadaasi, isagoo magac iyo maamuusba ku dhex lahaa dadka reer Qabsaxdheere ayuu haddana markii uu ku biiray shabaab waxa uu dhibaato weyn u geystay dadka deegaanka nasiib darase saaka waxaa meydkiisa laga celcelinayaa dadka deegaanka oo doonaya in ay ku jiidaan waddooyinka laakiin ciidamada ayaa u diiddan in meydka loola dhaqmo si ka baxsan bani’aaddanimada.
Waxaa hubaal ah in horjoogayaasha iyo malleeshiyaadka shabaab uu ka soo daahiray cuquubada ka dhalatay xadgudabyadii ay u geeysteen ummadda Soomaaliyeed tabardarrida soo wajahday kooxda ka sokow ma jirto meel ay gabbaad ka helayaan ama cid megengelyo siineysa, waayo hore uma soo dhaweysan shacabka abaalna uma aysan gelin waxeyna hareer mareen xigmadii oraneysay ‘’ Maandhoow ixsaan lagama tago eed haddaad faliy
SODIYARINTI = MACALINKA OO KU SUGAN QASAXDHERE
.
Maamulka degmada dolow somaliya ayaa kormeer maanta ku tagay isbital wayn oo ay hay ada WHO dhawan ka hergalisay degmada dolow somaliya.
Gudoomiyaha degmada dolow somaliya cabdirashiid jana ayaa maanta socdaal indho indhay ah waxaa uu ku tagay cisbital aya dhawaan hay ada WHO ka hergalisay degmada dolow somaliya ee gobolka gedo waxaana isbitalkani ka faaiidaysandoona dadka u baahida qabay daryeelka caafimaad gudoomiyha ayaa mid mid u galay qolalka uu ka kooban yahay isbitalka.
Dhaqaatiira ayaa sheegay in ay howshu u socoto si hamsami leh waxana uu uga mahadcelinyey sida wanaagsan ee ay bulshada bahideeda wax uga qabteen waxana uu ka codsaday dhamaan shacabka ku dhaqan degaanka in ay ka faaiidaystaan waxaana gudoomiyuhu sidoo kale uu ugu baqay hay adaha in ay sidan oo kale wax ugu qabtaan shacabka.
Isbitalkan ayaa ah mid ay ka howlgalayaan dhaqaatiir masaari ah oo musliin ah iyo kuwa somaliya waxaana dadka lagu samaynaayaa qaliilnada fudu iyo kuwa culus waxaana sidoo kale isbitalku u dhamaystiran dhamaan agabkii uu ku shaqayn laha .
Waa markii ugu horaysay oo isbital caynkan oo kale ah laga hergaliyo gobolka gedo gaar ahaana degmada dolow somaliya .
Muqdisho- Daqiiqado kooban oo il milicsigoodu aad u dhadhan macaanaa, qof daawaday mooyee aanan qof kaleba loo sifeyn kareyn ayaa ka dhacay qeyb ka mid ah Garoonka Olympic Stadium ee ku yaala Fagaaraha Olympic Park ee degmada Stratford ee bariga Magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo ay ka dhacayaan Ciyaaraha xagaaga ee London 2012 Olympic games.
Mar qura ayay shucuurtu is wada bedeshay oo daafa dunida dhami farxad lala qushucay, iyadoo bulsho waliba ay calankeedii ka dhex eeganeysay calamada meesha la isugu keenay ee ummadaha metelayey.
Malyuumaad Soomaali ah ayaa farxad la wada ilmeeyey, misena hab maamuus wanaagsan isu marxabeeyey, kaddib markii ay dhul iyo cir is qabsaday astaanta lagu shafro Cawaalaha buluuga ah ee huwan karaamada ummadda Soomaaliyeed, waa calankeena cirka lagu masaalee, kaas oo ka dhex babanayey goob ay ka taagnaayeen in badan 200 oo calan oo ay leeyihiin dadyow kale oo dunida ka kala yimid.
Hayeeshee astaanta calanka Soomaaliyeed ee laga tumay Stratford, lagana daawaday dunida guud ahaan si gaar ah waxaa u bilayey midabada mataanaha ah ee cirka iyo kan calankeena oo goob walba ee ka mid ah Garoonka Olympic Stadium huwiyey karaamo midabkeedu buluug yahay oo indhuhu ku doogsadeen.
Inta aan Xafladii furitaanka ee ciyaaraha Olympic-ga ka bilaaban London ee ay dadka Soomaaliyeed guud ahaan isu diyaariyeen in ay daawadaan furitaankan si ay mar uun fagaarahaasi uga dhex arkaan Cawaalaha sharaftooda huwan ee buluuga ah, ee muddo ka badan 20 sano fagaarayaasha uga maqnaa isagoo waayey cid u gurmata oo intey dhulka ka soo qaado soo joojisa fagaarayaasha caalamka.
Taasi waxaa ku guuleysatay gabadha Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Zamzam Maxamed Faarax oo iyadoo xiran midabkeenii buluuga ahaa, misena huwan sharafta iyo karaamadda ummadda Soomaaliyeed malyuumaad dad ah hortooda si xarago leh ula talaabo qaaday calanka Soomaaliyeed.
Xilli ay ku beegneyd sideed saac oo habeenimo ee xilliga Soomaaliya ayaa xiriiriyihii xafladda ee microphone-ka kaga dhawaaqayey dalalka fagaaraha soo maraya ayaa wuxuu si qurux badan oo cod macaan ugu dhawaaqay magaca Soomaaliya, kaddibna waxaa muuqday kooxdii Soomaaliya ku mataleysay London 2012 oo dhamaantood ku lebisan calanka Soomaaliyeed misena si farxad leh u galbinaya calanka Soomaaliyeed ee ay luleysay Zamzam oo ay gadaasheeda socdeen halyeyga kale ee orodka Maxamed Xasan Axmed iyo macalinkooda iyo guddiga Olimbikada Soomaaliyeed.
Sawaxan farxad xambaarsan ayaa Muqdisho iyo dhamaan magaalooyinka kale dalka is qabsaday, iyadoo dhalinyaro, waayeel iyo caruur aan loo kala harin farxadda iyo is marxabeynta lagu soo dhoweynayey halyeeyada Soomaaliyeed ee sharafteenii huwan ee calankeenii cawaale ahaa sida quruxda badan uga taagay bartii loo asteeyey in laga wada taago calamada adduunka oo dhan.
Inta aysan xafladda bilaaban shabakadaha warbaahinta bulshada (Social Media) waxaa si weyn u qabsaday war qiiro leh oo ay ka dhex muuqaneysay Zamzam Faarax oo qaadeysay ereyadan qiirada leh.
Dhulkeygiyoow
Kii laygu dhalayoon
Ku dhaqaaq bartoow
Kaa dhoofi maayee
Dhankaloo qalaad
Ku han dhaafsan maayee
Inta aanan dhiman
Lay kaa dhex gelin
Dhaar waxaan ku marayaa
Inaan kuu dhintaayoon
Kaa dhiciyo cadowgee
Bal goco oo dib u milicso beri samaadkii Soomaaliya, xilligii wiilka Soomaaliyeed lagu sifeyn jiray libaaxa keymaha Afrika, taas oo loola jeeday geesinimada iyo kartida gaar ahaaneed ee ay lahaayeen ciidankii Soomaaliyeed ee gumeyste walba sanka ka duray.
Dad badan oo waayahaas u soo joogay ereyada Zamzam ay qaaday waxay ku reebeen xusuus gooni ah oo ururgo xambaarsan, waayo waxay gocdeen xilli aad uga duwanaa kan ay manta ummaddeena ku jirto, iyagoo qaarkoodna halkaas ka saadaaliyey in qarankii Soomaaliyeed uu dhogor ridanayo oo haatan ka baxayo diihaalka ku dheeraaday, kaddib markii ay soo if baxeen halyeeyo u hana qaaday haba tiro yeraadaane.
Ereyada taariikhda galay ee waayuhu na xasuusiyey markii ay Zamzam heesta qaadeysay waxaa ka mid ahaa heesta Nadar ee ay ereyadeeda ka midka yihiin.
Nadar baan horey u galay
Niyadeydu waa meel
Haddii aanan soo noqon
Calankeyga Nuurow
Allahayow ku nabad geli ….Aaamiin
Sida taariikhdu ay dhigeysana, Laba xidigle Xalane, oo ah ninka loogu magac daray Xeradii Xalane ee duleedka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, wuxuu geeriyooday isagoo ka difaacaya in calanka Soomaaliyeed ay meel uu surnaa ka siibaan ciidan ka mid ah Ciidammada dowladaha Afrika oo ay markaas dagaal culus kula jireen, kuwaas oo ku soo siqay dhufeysyadii geesiyadii Soomaaliyeed ee xilligaa difaaca ku jiray.
Bulshada dunida ka soo kala safartay ee 80,000 ka badnaa iyo Bilyanaatka shaashadaha caalamka ku dheygagay ee daawanayey furitaanka Ciyaaraha London fajaciso kuma aysan aheyn in ay arkaan calanka Soomaaliyeed oo si xarago leh loo lulayo, waayo wuxuu ahaa calan ay fagaarayaasha ku yaqaaneen oo in muddo ah uun ay waayeen meel uu ka baxay.
Calankan waxaa fagaarayaasha si aad ah dadka ugu baray halyeyga Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud Cabdi Bile Cabdi oo bartamihii sideetamaadkii labo mar Somalia u soo qaaday billadda dahabka ah ee 1500 ee mitir oo uu si xarago leh uga soo qaaday ciyaarihii Olimbikada Rooma ee 1987-dii iyo ciyaarihii Olimbikada ee Barcelona 1989-kii.
Cabdi Bile wuxuu dhigay ciyaaraha Rooma rikoor cusub, wuxuuna 800 ee mitir ee ugu dambeysay ee orodka 1500 ee mitir ku orday muddo ah 1:46.0 taas oo ah waqtigii ugu gaabnaa ee qof tartamaayo uu muddo intaas la eg ku ordo dunida oo dhan.
Inkastoo Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Axmed ay ka yimaadeen Soomaaliya oo xilliyadii ay tababarka ku jireen oo dhami ku soo qaateen xabad ka gambasho, dil ka baqid iyo jahwareerka ay ma wadaageen ummadda Muqdisho ku dhaqan, haddana soo shaac bixidooda ayaa guul ugu filan ummadda Soomaaliyeed oo haatan u jiheysaneysa dhanka horumarka, kana soo jeesaneysa dhanka dagaalka.
Haddaba, ma u diyaar garowda habeenka loogu magic daray habeenkii oohinta farxadeed? Habeenkaasi waa habeen qofkii uu dhaafo uu aad u nasib daran yahay, waayo waa taariikh aad dib u soo noqoneyn oo horey uun u soconeysa.
Habeenkaasi waa habeenka ay Zamzam iyo Maxamed Tiyaatarka Olympic Stadium u soo fuulayaan in qoorta loo suro biladaha dahabka ah ee ay qaadeen, wuxuuna habeenkaas astaan u noqon doonaa dhamaadka dhibaatada Soomaaliya, waayo dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaa u wada diyaar garoobaya in ay farxadaasi darteed u wada ooyaan si illinta indhahooda ka qubata daadkeedii uu u qaado inta qaswadayaasha ah ee ka nixi doonta guulahaasi taariikhiga ah.
Soomaaliya waa dad ku faana orodka waana dadka dunida ugu orodka badan, laakiin waxaan weli la siin fursadii ay ku soo bandhigi lahaayeen dadkooda ALLAAH ku maneystay orodka duulista u dhigma ee mucjisada ah.
Tusaale haddii aan u soo qaato qiso yar oo aan ku maqlay cilmi dhegood ahaan, xilligii ciidanka Soomaaliya ay la dagaalamayeen Ethiopia, askarta raafka ahna la aruurinayey ayaa waxaa la qabtay nin dhalinyaro ah oo laba dhiilood ku sitay caano uu suuqa u soo waday.
Markii la qabtay ee xeradii la geeyey ayuu ooyey, kaddibna waxaa la weydiiyey maxaa kaa oysiiyey, wuxuuna ku jawaabay “Kama baqayo askarinimada, kamana baqaayo inay caruurteyda agootoobaan, balse waxaan la ilmeeyey orod korkeyga ku jiray iyo sida fudud ee la ii soo qabtay”
Askartii oo yaaban ayuu teliyihii wuxuu ninkii ku yiri “Bal orod haddaba haddii aad fakan kareyso” wuxuuna soo joojiyey afar waranteeri ah oo loogu talo galay inay soo qabtaan askarigii isku daya inuu orod ku baxsado.
Ninkii wuxuu taliyihii ka codsaday inuu dhiilihiisa siiyo si haddii uu fakado uu ula fakado, kaddibna wuu ka aqbalay isagoo is yiri ma nin dhiil wada ayaaba ordi kara.
Ninkii markii uu dhiilihii gacanta ku dhigay ayuu orod booday, kaddibna kooxdii afarta aheyd ayaa ka daba boodday, balse wax aan siigo meel fog ah aheyn ayeyba arki waayeen, ilaa inta ay shakiyaan is yiraahdaan wuxu dad ma aheyne jin ayuu ahaa, sidii ayuuna kaga fakaday isagoo weliba dhiilihii ku raran.
Bal ka warama haddii ninkaasi reer miyiga ahaa iyo asxaabtii ay isla ula bootami jireen ay Soomaaliya soo safi laheyd safka orodka, wallee wacdaraa dhici laheyd…!
Haddaba, haddii aad milicsatay xalay wixii ka dhacay Barxadda Garoonka Olympic Stadium ee Stratford, waa hubanti in aad jiriricootay, balse waxaad sugtaaba waa habeenka oohin farxadeedka biladaha dahabka ah loo farxayo loo wada balansan yahay iyo sida aad dareenkaaga ula qeybsato Zamzam iyo Maxamed Rabbi haku guuleeyo hadafkooda ay hiigsanayaane.
Haddii aad qoraalkan aqrisay, u duceey Zamzam iyo Maxamed inuu ALLAAH ka dhigo kuwo inta ay la tartamayaan ka sara mara, ummadda Soomaaliyeed magaceedana guul waarta u soo hooya.
Adiga oo mahadsan wixii dhaliil ah ku soo dir cabdale_malaq_10@hotmail.com
Allah u naxariistee Maareeyihii Gaoronka Diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan Cadde” ayaa caawa lagu toogtay Degmada xamar weyne xilli uu kasoo baxay Masjid uu kusoo dukuday Salaadii Maqrib.
Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa dhowr rasaas la beegsaday Allah u naxariistee Ibraahim Iimaan Xalane Maareeyihii Garoonka Aaaden Cadde xili uu kasoo baxayay masjid kuyaala dagmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda dekadaha gaadiidka badda cirka iyo dhulka C/raxmaan kulmiye Xersi C/raxmaan Dheere ayaa DHALINTASOM.COM Muqdisho u xaqiijiyay dhimashada Maareeyaha waxa uuna uga tacsiyeyay ummadda Soomaaliyeed geeridii ku timid marxuumkaasi.
Ciidamada XDS iyo kuwo Amisom ayaa saaka la wareegay garoonki diyaaradaha Lambar 50 iyo deegaanno ballaaraan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose.
Taliyaha guud ee howlgallada ciidamada XDS ahna Afhayeenka ciidamada Gen. Cali Caraaye Cosoble ‘Gacma dullo’ ayaa DHALINTASOM.COM U xaqiijiyay in ciidamadu ay saaka si buuxda ula wareegeen deegaannada Muuri, garoonki diyaaradaha Lambar 50, Saliini, ilaa Lambar 60, kadib markii ciidamada XDS oo garab ka helaya kuwa Amisom ay waaberigii saaka ka dhaqaaqeen deegaanka Laanta buuro oo ay hore ula wareegeen ciidamadu.
‘’ Ma jirto wax qasaare ah oo howlgalkii saaka ka soo gaaray ciidamada XDS iyo kuwa Amisom sababtoo ah ciidamadu lama kulmin wax iska caabbin ah dhowr canug ayaan meelaha qaar ugu tagnay, iyagiina wey iska carareen, haatanna ciidamadu waxey isku fidiyeen deegaannadaasi iyagoo baaritaanno ka wada qorshuhuna wuxuu yahay in ay sii socdaan’’ ayuu yiri Gen Gacma dullo.
Gen. Gacma dullo ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ciidamadu ay dhawaan la wareegi doonaan magaalada Marko iyo guud ahaan gobolka intiisa kale, isagoo intaa ku daaray in howlgalkii saaka ay gacan weyn ka geysteen shacabka ku nool deegaannadaasi oo uu sheegay in ay ciidamada ula shaqeeyeen si wanaagsan oo ay ku jirto waddaniyad iyo geesinimo
Ciidamada XDS iyo kuwa Amisom ee howgallada lagu sifeynayo Alqaacidda ka wada gobolkaasi ayaa la wareegay inta badan deegaannada gobolkaasi, iyadoo horumarkaasina ay si weyn usoo dhaweeyeen dadweynaha ku nool gobolka oo iyagu qaati ka taagan dhibaatada ay ku hayaan kooxda Alqaacidda.
BY =ahmed mahamed adan ahmed cirro
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaaliga ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeysay geerida maareeyaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho marxuum Ibraahim Iimaan oo kooxo hubeysan ay ku dileen magaalada Muqdisho.
Kusimaha Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise oo la hadlayey Warbaahinta Qaranka ayaa ugu horeyn tilmaamay inuu shacbiga Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayo geerida Maareeyaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaana uu dhanka kale xusay in hay’adaha ammaanka ay wadaan baaaritaanno ku aadan kooxaha falkaasi dilka ah u geystay.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed Jaahweyn ayaa yiri “waa geeri naxdin leh falka dilka ah ee loo geystay maareeyaha garoonka diyaaradaha waxaana falkaasi geystay kooxo dhagar qabeyaal ah,umadda Soomaaliyeed guud ahaanba iyo ehellada marxuumkaba waan uga tacsiyadeynayaa geeridaasi naxdinta leh”
Murashax Yaasiin Maaxi oo Muqdisho ku wajahan
Yaasiin Maaxi Macalin oo kamida musharaxiinta u taagan qabashadda jagadda Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo gaaray magaaladda Nairobi ee dalka Kenya isagoo ku sii wajahan magaaladda caaasimadda ah ee Muqdisho, Mr. Maaxi oo ka yimid magaaladda Stockholm ee dalka Sweden ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta kaga hortagay qaar kamida taageerayaashiisa si ay u soo dhaweeyaan.
Maaxi ayaa u mahadceliyay asxaabtii isa soo xilqaantay ee soo dhaweysay wuxuuna u sheegay in natiijo ay ku farxaan uu u keeni doono isagoo muujiyay kalsooni badan oo ku aadan hanashadda hogaanka dalka ''Waxaan ku wajahanahay Muqdisho, si ololaha aan u sii laba jibaarno waan isku kalsoonahay Alxamdulillaah waana annaga dadka saxda ah ee wadanka samatabixin kara'' ayuu yiri Yaasiin Maaxi.
Siyaasiga Yaasiin Maaxi ayaa sheegay in maalmo aad u kooban uu joogi doono Nairobi si buu yirri ay isku arkaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya iyo Dowladdaha daneeya arrimaha Soomaaliya, Yaasiin Maaxi Macalin ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu u murashax yahay sanadii 2011 isagoo ah aqoon yahan firfircoon oo jagooyin badan ka soo qabtay guddaha iyo dibadda wadankaba isagoo 16 sanadood ku soo jiray siyaasadda wuxuuna mar xildhibaan ka soo noqday wadanka Sweden.
Wasaaradda Dastuurka iyo dib u heshiisiinta ayaa sheegtay in waqti dheerad ah aan lagu dari doonin xilliga loogu talagalay in lagu ansixiyo qabyo qoraalka Dastuurka cusub ee dalka xilli 2 maalmood oo qura ay ka harsantahay waqtigii loogu talagalay in lagu gebagabeeyo shirka ansixinta Dastuurka.
Wasiirka Dastuurka Abukate C/raxman Xoosh Jibril oo la hadlay Radio Muqdishso ayaa sheegay in shirka looga hadlayo arrimaha Dastuurka lagu soo gebagebeyn doono waqtigii loogu talagalay, isagoo xusay in Labada Maalmood ee harsan ay ku filantahay ergada wuxuuna meesha ka saaray in waqti dheeraad ah loo baahandoono.
Sidoo kale wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in qodobbadii ugu darnaa ee laga dooday haatan la isku afgartay wuxuuna tilmaamay in ergada qaar ay ku doodayaan in hawenku aysan qaban Karin xilalka sare taasina waxa uu ku micneeyay aragti qaldan, isagoo rajo ka muujiyay in laga gudbi doono ka doodista qodobkaasi.
Shirka ergada loo soo xulay ansixinta dastuurka oo maalmahan ka socday Muqdisho ayaa laga sugayaa in ay ansixiyaan Dastuurka cusub ee Soomaaliya kaas oo fure u noqondoona sidii looga biixilahaa nidaamka KMG ah.
cairo - 31 - Luulyo -2012 king malak
Wasaaradda warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa si kulul u cambaareeysay dilkii naxdinta laha ee xalay Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Jilaagii caanka ahaa Cabdi Jeylaani Malaaq ‘Marshaale’.
Wasiirka warfaaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed ‘Jahwyn’ oo ka hadlay dilka Marxuumka ayaa cambaareeyay kooxihii ka dambeeyay falkaasi foolxumada leh, isagoo muujiyay sida uu uga xunyahay dilka loo geystay marxuumkaasi, iyadoo aysan jirin cid uu dhibaato u geystay.
Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in ciidamada Ammaanku ay ku raadjoogaan gacan ku dhiiglayaashii dilay Marshaale, isagoo rajeeyay in gacanta lagu soo dhigidoono dambiilayaashaasi sharcigana la geyndoono.
Wasiirka ayaa uga tacsiyeeyay ehelada Marxuumka, Fannaaniinta iyo ummadda Soomaaliyeed geerida Marxuunka, isagoo sheegay in ay dishay gacan ka gardaran, wuxuuna u rajeeyay in Allaah uu ka waraabiyo Jannadii Fardoowsa intii uu ka tageyna simir iyo iimmaan uu Alle ka siiyo.
Dhanka kale bahda saxaafadda iyo qeybaha Fannaaniinta Muqdissho ayaa wada qabanqaabo ballaaran oo loo sameynayo Aaska Marxuumka oo la filayo in maanta uu ka dhaco Muqdisho.
Dilka Jalaaga caanka ahaa ee Cabdi Jeylaani Malaaq oo loo yaqaannay Marshaale ayaa qeyb ka ah dilalka ay malleeshhiyaadka Alqaacidda ku gumaadaan dadka waxtarka leh isla markaana magaca ku dhex leh bulshada.
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.
Ergada ansixinta Dastuurka ayaa lagu wadaa in maanta ay u codeeyaan Dastuurka cusub ee dalka loo diyaariyay, kadib in ka badan muddo todobaad ah oo ay ergadu ka doodayen arrimaha Dastuurka.
Sida ay ku soo waaramayaan wariyayaasheena ku sugan madasha shirka waxa la filayaa in ergadu ay maanta u codeeyaan Dastuurka cusub iyadoo rajadu ay u badantahay in cod aqlabiyad leh lagu ansixiyo Dastuurka cusub ee dalkeenna loo diyaariyay, iyadoo waqtigii loogu talagalay shirka uu ku egyahay berri.
Ergada ayaa todobaadkii la soo dhaafay oo dhan ka doodayay arrimo ku saabsan Dastuurka cusub waxaana ergada maanta laga dhowrayaa in ay ansixiyaan Dastuurka, berrina halkaas lagu qabto munaasabadda gunaanadka Shikaasi.
Haddii la ansixiyo Dastuurka cusub waxa uu fure u noqonayaa in laga baxo Marxaladda KMG ah isla markaana bishan gudaheeda uu dalku helo dowlad rasmi ah, Labaatan sano kadib.
Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi u doortay siyaasiga Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii KMG ahaa ee dalka soomaray.
Talihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ku guuleystay doorashada xilka madaxtinimo ee maamulka Galmudug sadaxda sano ee soo socota.
Goobta ay ka socotay doorashada ayaa waxaa soo buuxdhaafiyay boqolaal dadweyne ah waxaana xilka madaxtinimo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid kula tartamayay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Galmudug C/samad Cali Shire.
Cabdi Xasan Cawaale ayaa helay 23 cod halka madaxweyne ku xigeenkii hore uu helay hal cod sidaa daraadeedna looga guuleystay xilka madaxtinimo ee maamulka Galmudug.
Gudiga doorashada ayaa shaaciyay in xilka madaxtinimo looga guuleystay C/samad Cali Shire waxaana go’aanka kama dambeysta ah ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamada Sheekh Axmed Sheekh Yuusuf isagoona sheegay in doorashada uu ku guuleystay General Qeybdiid.
Madaxda dowladda Soomaaliya iyo shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa Rajo wanaagsan ka muujiyay dadlaalka loogu jiro ka gudubka marxada kumeelgaarnimada ah iyo in wadanka uu yeesho dowladda Dhameystirsan oo aan KMG aheen.
Hadal haynta ugu badan ee bulshada xiligan ayaa ah in laga gudbay waqtigii KMG ahaa islamarkaana loo gudbay dowlad rasmi ah oo bulshada u suuragalin karta waxqabad dhinacyo badan xambaarsan kaas oo aan suurtagalin waqtiigii lagu jiray kumeel gaarnimadahadaba marka laga hadlaayo dowlad KMG ah iyo mid aan KMG ahayn maxay ku kala duwan yihiin Siyaasada ahaan horumar, amni, tacliin iyo dhaqaale intaba.
Wasiiru dowlaha wasaaradda shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo isboortigaProf C/llaahiSheekh Cali “Qaloocoow”ayaa is barbar dhigay waxa ay labadaasi dhinac ku kala duwan yihiin iyo faa’iidada bulshada ugu jirto, waxaana uu sheegay in dowlad KMG ah wax badani uga baaqan karaan dalka iyo dadka marka laga hadlayo dhanka horumarka iyo lajaan qaadida wadamada horumaray.
Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya Axmed Ceydiid Ibraahim ayaa isaguna dhankiisa cabiray fikirka ku saabsan dowlad KMG ah iyo dowladda rasmi ah,waxaana uu sheegay in dowladda rasmiga ah ay suurtagalinayso waxyaabo badan oo hada caqabad ku noqday dhanka waxbarashada, dhaqaalaha iyo siyaasada dalka.
Axmed Ceydiid Ibraahim Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare ayaa rajo ka muujiyay in dowladda soo socota ay dhidibada u aasi doonto adeegyadii bulshada aas aasiga u ahaa sida waxbarashada, caafimadka, ganacsiga iyo guud ahaan nidaamkiii dowladnimo.
Dhawaan ayeey aheyd markii 825 Ergo oo laga soo kala xulay beelaha Soomaaliyeed ay cod aqlibiyad leh ku ansaxiyeen qabya qoraalka Dastuurka dalka kaas oo saldhig u ah marxaladii looga baxayay kumeel gaarnimada.
BY =MALAK
Kaddib shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen xarunta wasaaradda warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta wasiirada haweenka iyo daryeelka qoyska, caafimaadka waxbarashada iyo maaliyadda ayay uga war bixiyeen waxqabadka intii ay jirtay xukuumadda ay ugu magacdareen badbaado iyo waxyaabihii u hirgaalay wasaaradahaasi intii ay shaqaynayeen.
Wasiirka wasaaradda haweenka iyo daryeelka qoyska marwo Maryan Aweys ayaa ugu horayntii ka warbixisay waxqabadka wasaaradaasi iyo waxyaabihii u hirgalay wasaaradda haweenka iyo daryeelka qoyska waxaa ayna wasiiraddu tilmaantay in wasaraaradda ay ku guulaysatay in ay wax badan ka qabato horumarinta dumarka Soomaaliyeed iyadoona intaasi raacisay inay u abuureen dumar fara badan xirfado ay noloshooda ku maareeyaan isla markaana ay xarumo dhalaanka waxlagu baro oo bilaash ah uga fureen magaalada Muqdisho si ay qayb uga noqoto horumarinta qoyska.
Sidoo kale wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ayaa isna ka warbixiyay waxqabadka wasaaradaasi iyo waxyabihii ay qabatay wasaarada waxbarashada ayaa tilmaamay in wasaaradda ay culays saartay sidii ay wasaaraddu u heli lahayd xarumihii wasaaradda si howlaha ay wasaaraddu u hayso bulshada loo horumariyo
Wasiirka Maaliyadda oo isna ka mid ahaa wasiiradii soo bandhigay waxqabadkooda ayaa isna dhiniciisa tilmaamay in wasaaradda maaliyadda ay dadaal dheeri u gashay si dhaqaalaha dalka maadaama dawladaha caalamka taageeradii looga baahnaa ee dhanka dhaqaalaha ah ayna la garab istaagin sidaa darteedna ay iyagu isku tashadeen wallow ay koobnaayeen ilaha dhaqaalaha dalka.
BY = MALAK